Golaha Midowga Musharraxiinta oo la yimid Shuruudo cusub

February 25, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa ay saaka shir dhanka Zoomka ama fogaan arag kula yeesha xubno ka tirsan beesha caalamka C6+, waxaan ay ka wada hadleen khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka iyo is mari waaga siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho ilaa iyo intii ay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay rasaas nool nool ku kala eryeen Banaanbax soo abaabuleen Midowa Musharaxiinta.

Midowga Musharaxiinta ayaa soo jeediyey in la sameeyo Gole qaran oo ku meel gaar ah si heshiis looga gaaro arrimaha doorashooyinka , Somaliland iyo arrinta Gedo waxaa kale oo ay soo jeediyeen in Taliyayaasha Militariga, Sirdoonka iyo Booliska ay is casilaan.

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa qoraal ay u gudbiyeen Wakiilada Beesha caalamka ka jooga Soomaaliya waxaa cod sadeen ilaa 9 qodob oo cusub waxaana ka mid ah:-

1. In baaritaan madax bannaan lagu sameeyo weerarkii 19 bishaan Febaraayo lagu qaaday Hotel Maa’ida 2 oo ay deganaayeen labadii madaxwayne ee hore iyo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

2. In madaxwaynaha wakhtigiisi dhammaaday talada dalka ku wareejiyo Golle Qaran oo ku meel gaar ah.

3. In si kama dambeys ah laaga heshiiyaa saddexdii qodob ee kala ahaa; Guddiga doorashooyinka, Cidda iyo habka loo qabanaayo doorashada Somaliland iyo Arrinta Gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

4. Midowga musharraxiintu waa in si toos ah looga qeybgaliyaa dhammaan kulamada wada tashiga ah.

5. Waa in si toos ah loo ogalaadaa dhammaan xorriyadaha hadalka, Mudaharaadka, Safarka iyo in musharrixiintu si nabad ah u ololeysan karaan.

6. Saraakiisha sirdoonka, Malatariga iyo Police-ka ee ku lugta lahaa weerarkii 19 Bishaan waa in ay iscasilaan.

7. Waa in ay ammaanka doorashada la wareegaan Police oo ay ka maqan yihiin Haramacad iyo AMISOM.

8. Doorashada waa in lagu qabto muddo ku siman 60 maalin, Waana in la helaan damaanad qaad rasmi ah oo ka timaadda beesha Caalamka.

9. Waa in kulamada kale ee soo socda lagu qabtaa meel amnigeeda la isku halayn karaayo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online