Guddoomiyaha Aqalka sare “Ma jiro Kulan wadajir ah oo Madaxweyne Farmaajo ka soo codsadey Aqalka Sare”

February 5, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Guddomiyaha Aqalka Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxaa uu caawa ku wargeliyey Xildhibaanada ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya in aysan jir wax kulan ah oo Gudoonka Aqalka sare uu kula kulmi doono Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinta Beri ah la filayo in uu kulan la yeesho labada Aqal ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddomiyaha Aqalka Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa u diray fariin Dhammaan Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxaana uu ku wargeliyey in uusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu kasoo codsadey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan Qod.57aad (c) ee Dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad (4) ee Xeerhoosaadka Golaha.

Sidaas darteed, ayaa Guddomiyaha Aqalka Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi uu xusay in uusan jirin kulan wadajir ah oo ay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u ballansan yihiin birito oo taariikhdu tahay 06 Febraayo 2021.
A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online