Guddoomiyaha Gobolka Bari oo booqasho ku tegay Degmada Balidhidin ee Gobolka Bari.[Masawiro]

February 9, 2021 - Written by Editor

Balidhidin:-Guddoomiyaha Gobolka Bari Madane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan ayaa maanta boqosho ku tagay Degmada Balidhidin ee Gobolka Bari waxaana halkaas kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Maamulka Degmada Balidhidin, Nabadoono, Cuqaal, Dhalinyaro Ardey Haween, Iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Balidhidin.

Guddoomiyaha ayaa Daah-furay ceelka biyoodka Degmada Balidhidin oo ay ku socoto shaqadu iyadoo la filayo in dhawaan xariga laga jaridoono ceelka.

Guddoomiye Cabdisamad Abwaan ayaa goob fagaare ah kula hadlay Bulshada Degmada Balidhidin waxa uuna uga mahadceliyey soo Dhoweynta wanaagsaneed ee ay u sameeyeen Guddoomiyaha iyo Wafdiga uu hogaaminayay waxa uuna kula dar-daarmay in ay ilaashaadan Hormarka Amniga iyo Xasiloonidda Degmada.

Guddoomiyaha ayaa Bulshada Degmada Balidhidin la wadaagay salaan qiimo badan oo uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Dr siciid Cabdullaahi Deni u soo diray Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Guddoomiyaha ayaa booqasho ku tagay ceelka Tuulada xagar oo u baahan in loo dhameys tiro adeeg yada ka dhiman Guddoomiyaha ayaana balan qaaday in si dag-dag ah loo dhameys tiri doono.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MAAMULKA GOBOLKA BARI.

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online