Heshiis ay wada gaareen Midawga Musharaxiinta iyo Ra’iisul wasaare JFS Mohamed Husseen Rooble.[Video]

February 25, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaa goor dhow la soo gabagabeeyey shir u dhexeeyey Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Husseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo uu hogaaminayey Madaxweynayaashiii hore ee Somaaliya Sh Shariif, Hassan Sheekh Mohamuud Madaxweynayaasha Gal-Mudug iyo Hirshabelle waxaan lagu gaaray heshiis ka qooban 6 qodob oo kala ah:-

1. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay wixii ka dhacay Magaalada Muqdisho 19-kii Febraayo 2021, waxayna uga tacsiyeyneysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Midowaga Murashaxiinta ee waxyeelladu ka soo gaartay, waxaana la isla gartay in Ioo saaro guddi madaxbannaan oo baaritaan ku soo sameeya sidii ay wax u dheceen.

2. Sida uu qabo qodobka 20aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS, Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo bannaabax si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo. Sidaas darteed Xukuumada Federaalka Soomaaliya waxay damaanad qaadaysaa in ay ilaalineyso xuquuqdaas dastuuriga ah.

3. Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiintu waxa ay ka wada shaqeynayaan sidii Ioo qaban Iahaa bannaanbax si nabadgelyo ah ku dhaca, iyadoo dowladdu ilaalineyso amniga iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed.

4.Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiintu waxa ay isla garteen in dib Ioo dhigo mudaharaadkii qorsheysnaa maalinta Jimcaha ee ku beegan 26 Febaraayo 2021.

5. Bannaanbaxa dib loo dhigay waxa uu ku dhici doonaa muddo 10 cisho gudohood ah, waxaana loo xil saaray guddi wadajir ah.

6.Waxaa la isku afgartay in arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka wadahadalladooda la sii wado, si loo gaaro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

M_M_deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online