Jubbaland oo ka tacsiyeysay geerida Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir

February 13, 2021 - Written by Editor

Kismaayo:-Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka tacsiyeysay geerida Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cabdullaahi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyadda Jubbaland Eng. Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaah ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cabdullaahi.
إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
كل نفس ذائقة الموت
“Aniga oo ku hadlaaya afka Dowlad goboleedka Jubbaland, sidoo kalena wakiil ka ah guud ahaan qaybaha kala duwan ee Jubbaland waxaan ka tacsiyeynayaa geeridaas xanuunka badan, qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka, bahda dhaqanka Somaliland iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cabdullaahi oo inta aan ka ogahay ahaa nin nabadeed iyo shiqsi samatalis ah kana soo jeedey mid ka mid ah sandaladaha ugu Facaweyn geyiga Soomaalida”
“Marxuumka Waxaan Allaah uga baryayaa in uu su’aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo”
إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Wasiir ka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleed ka Jubbaland
Eng Cabdi Xuseen Maxamed.

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online