Maanta oo ku beegan maalintii Al-Shabaab ay dileen Sh. C/qaadir Nuur Faarax [Warbixin+Cod]

February 15, 2021 - Written by Editor

Sh-CqaadirGaroowe:-Galab jimce ah oo ay ku beegneyd 15/02/2013, ayaa masaajid ku yaalla magaalada Garoowe, waxaa lagu dilay allaha u naxariistee Sh. Cabdul qaadir Nuur Faarax. Sh. Cabdulaaqir marka la dilayay waxa uu ku jiray salaaddii casar, isagoo u rukuucsanaa rabbigii ifka keenay, uuna rumeysnaa inuu u noqonayo, waxaana naftu ka baxday isagoo Alle hortaagan, khaatumo fiican buu ku gabagabeeyay addduunka, ilaahay haku daro kuwa nabiyada janada kula darsa.
Maxaa dhacay dilkii Sh. Cabdulqaadir laba sano ka dib?
1-Daqiiqado kaddib waxaa la qabtay Cabdiraxmaan Jaamac Bile oo ahaa ninkii gacantiisa ku toogtay Sheekha oo rukuucsan.
2-Cabdullaahi Cismaan Axmed (Caynte) oo ahaa ninkii maamulayay dilka Sheekha, ayaa magaalada Laascaanood lagu qabtay, waxaana loo soo gacan geliyay Puntland.
3-Labadaas nin ee Al-Shabaab u soo wakiisheen dilka Sheekha, waxaa lagu toogtay magaalada Garoowe, kaddib markii ay maxkamadi xukuntay.
4-Dad badan oo Al-Shabaab, ka filayay iney diin alle u halgaamayaan ayaa falkaas foosha xun uu wax badan fahansiiyay, halkaasna kaga haray kooxdaas.
5-Sh. Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa Al-Shabaab, ayaa sheegay in dilka Sheekha, uu aad uga xun yahay waxna uusan kala soconin, isagoona shaaca ka qaaday in koox gaar ah ay fulisay wax iyaga lagala tashadayna ayan ahayn.
6-Culimada waxay ku sii dhiirradeen iney caddeeyaan khaladaadka diinta ay ka galeyso Al-Shabaab.
7-Al-Shabaab dhexdooda waxaa ka curtay cadaawad keentay iney dhegta dhiigga isu daraan, rag iyaga miisaan culus ku lahaana ay meesha ka baxaan.
8-Xumaantii Al-Shabaab laga sheegi jiray oo banaanka yimid.
9-Isu dhawaanshihii culimada iyo ducaadda oo meel wanaagsan gaaray.
10-Shacabka oo aad ugu soo dhawaaday culimada, kaddib markii ay arkeen in dartood loo leynayo.

11- In Al-Shabaab dhulkii ay ka talin jireen uu gacantooda ka baxay, sidii ay umadda uga nixiyeenna ay wax badan iyagu u naxeen.
12- Waxaa la ay iska dileen ragii soo abaabulay dilka Sh C/qaadir Nuur Faarax iyo Sh Dr Axmed Raximahulaah kuwaas ku dileen Baraawe.
13-Hogaankii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo masuul ka ahaa leynta culumada oo la dilay .

1-Halkan Ka Daawo Dhagar qabihii dilay Sh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah

2-Jamaacada Al-ictisaam bilkitaab Wassunnah Sheekh C/qaadir waxaa dilkiisa ka Danbeeyey Ururka Al-Shabaab.
3-Khudbadihii ay culimadu ka jeediyeen aaskii Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax.[Dhagayso]
4- Sh Xasan Daahir Aweys oo Qiray in Al-Shabaab ay dileen Sh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah
5-Sheekh Maxamed Umal oo ka hadlay dilka Sh C/qaadir Nuur Faarax iyo culumada Soomaaliyeed
6-Sheekh Maxamuud Shible oo ka hadlay dlka Sh C/qaadir Nuur Faarax Tacsina u diray.
7-Sheekh Bashiir Ahmed Salaad oo wareysi gaar ah siiyey Shabakadda Somalireal.com.[Dhagayso]
8-Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Ibraahim Khaliil ee Boorama Sheekh Xasan Khayre oo ka hadlay dilka Sh C/qaadir Nuur Faarax iyo culumada Soomaaliyeed (Dhageyso).
9-Sheekh C/raxmaan Abyad oo khudbadii Jimcaha Masjidka Al-Tawxiid uga hadlay dilka Sh C/qaadir Nuur Faarax raximahulaah

10-Sheekh Maxamuud Ciise oo ka hadlay dilka Sh C/qaadir Nuur Faarax raximahulaah iyo gumaadka ay Al-Shabaab ku hayaan umada.

11-Barnaamijka Doodwadaag ee Universal Tv oo looga hadlay dilka Sh C/qaadir Nuur(Daawo)

12-Sheekh C/raxmaan Maxamed C/laahi oo ka hadlay dilka Sheekh C/qaadir Nuur(Daawo)
13-Sheekh Shariif Dhawiil oo ka hadlay dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax (Maqal iyo Muuqal)
14-Abu-Yasir Al-Muqdishi Al-shabaab baa dilay Sh.Dr Axmed Xaaji iyo Sh C/qaadir Nuur Faarax [Dhagayso]

Dilka Sh C/qaadir Faarax eedeyntiisa iyo ka tacsiyeyntiisa umada Soomaaliyeed uma kala harain waxaa qalinka u qaatay culumo .waxgarad, aqoonyahano ,iyo dhalinyaro waxaa ka xusi karnaa maqaaladii laga qoray.
1-Dilka Sh. C/qaadir Nuur Faarax muxuu kaga duwanaa dilkii Dr. Axmed Xaaji ? Sh Axmed Cabdi samed.

2-Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Nolol iyo Geeri W/Q Sh Xassan Maxamed Ibrahim
3–Shaqi weeye jaalkayoow Shiikha kii dilaye!W/Q Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur.
4-Beenaalayaashii khasaaray!W/Q Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim (Abu Xasaan)
5-Oohintii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah W/Q Sh Xasan Maxamed Ibraahim
6-Dib u eegis mise digasho?.W/Q Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur
7-Qorshaha Sh C/qaadir Nuur Dhiiggiisa Lagu Bannaystay Maanta Ma Bilaaban Ee Wuu Dhamastirmay W/Q Cubtan Yuusuf

Dilka Sh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah isaga oo ku jira salaad casar maalin jimca ah waxaa alle uu feyday beentii iyo dhagarta Al-Shabaab oo in badan ku hadaaqi jiray in ay alle diintiisa u jihaadayaan oo ay wax ay u dhimanayaan ay tahay umada Soomaaliyeed badbaadinteeda.

Al-Shabaab wili kama joogsan shirqoolka iyo dilalka ay la damacsan yihiin culumada Soomaaliyeed iyaga oo fulinaya ajandooyin qarsoon waxaana ugu danbeeyey isku day dil uu ka badbaaday Sh Bashiir Axmed Salaad.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net/Somalireal

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online