Sheekh Bashiir Ahmed Salaad oo wareysi gaar ah siiyey Shabakadda Somalireal.com.[Dhagayso]

April 25, 2013 - Written by Editor

shbashiirNairobi:-Sheekh Bashiir Ahmed Salaad oo ah Madaxa hay’adda Culimada Soomaaliyeed  ayaa wareysi gaar ah siiyey Shabakada wararka ee Somalireal waxaana uu Sheekhu ka warbixiyey xaaladiisa caafimaad ka dib markii uu alle ka badbaadiyey Shirqool lagu dili lahaa.

Sheekh Bashiir Ahmed Salaad ayaa ka warbixyey waxqabadkii hay’adda Culimada Soomaaliyeed isaga oo sheegay in hay’adda Culimada Soomaaliyeed ay waxbadan qabteen waxyaabo kalana ay u dhiman yihiin.

Sheekh Bashiir Ahmed Salaad ayaa waxaa kale oo ka waramay dilka iyo gumaadka lagu hayo haldoorka umada iyada oo haatan loo soo jeestay in la beegsado culumada waxaana uu Sheekhu sheegay in aysan arinkaas gaar u ahayn culumada balse ay la wadaagaan umada Soomaaliyeed.

Sheekh Bashiir ayaa sidoo kale waxaa uu ka waramay baaq ay culumada soo saareen ka dib markii la dilay allaha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax wuxuuna rajo ka muujiyey in shirka uu qabsoomi doono . Shabakadda wararka ee Somalireal.com ayaa sidoo kale weydiisay Sheekh Bashiir Ahmed Salaad gaaleysiinta uu Sh Xasaan gaaleysiiyey Jamaacada Al- Ictizaam Bilkitaab Wasunnah wuxuuna sheegay in arinkaas uu khalad yahay Sh Xasaana uu wax ismoodsiiyey.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Shabakada Wararka Somalireal ay la yeelatay Sheekh Bashiir Ahmed Salaad.
[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/pm4fd9mr8m/sheekh_bashiir.mp3″]

Isha Maqalka Somalireal
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online