Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Gobolka Gal-Gaduud oo gacanta lagu dhigay.[Video/Masawiro]

February 5, 2021 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Gal-Mudug ayaa waxaa ay soo bandhigeen Xubno ka tirsan Al-shabaab oo xalay weearar hoobiyaal la beegsaday xero ciidan oo ku taal duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saxaafadda u soo bandhiga horjooge tirsan ururka Al-shabaab una qaabilsanaa qaybta qaraxyada ee Gobolka Gal-gaduud qaybna ka ahaa weerarkii Hoobiyaha ee lala beegsaday qaybo ka mid ah xaafadda Dhuusamareeb.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horjoogaha ay soo bandhigen waxaa au magaciisa ku sheegeen Xassan Cabdinuur daad “Carey’s” kaas oo lagu qabtay dagaalkii xalay dhexmaray maleshiyaadka Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo bandhigay agab ciidan oo ay ka soo qabteen maleeshiyaadka Al-shabaab waxaan ka mid ahaa Gaarigii ay wateen iyo qori ah B10 iyo weliba hub kale oo fudud.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka S/Gaas Xuseen Xoosh Cali oo ay Wehliyaan Maamulka degmada Dhuusamareeb ayaa bogaadin u jeediyey Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaa kuwa GorGor oo ku guulaystay in ay ka hortegaan weerarkii xalay ay Al-shabaab ku soo qaadeen magaalada Dhuusamareeb si ay u dhibaateeyaan bulashada ku dhaqan magaalada iyo weliba madaxda ku sugan.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online