Madaxweynaha Dowladda Puntland dib ugu laabtay Garoowe

February 8, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid C/laahi Deni iyo wafdi uu hoggaami nayo oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Gal-Mudug ayaa dib ugu laabtay magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa waxaa Garoowe ku soo dhaweeyey Xubno ka tirsan Golahiisa wasiirada iyo Golaha wakiilada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa qayb ka ahaa shirkii fashilmay ee ay ka wada qayb galeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul gobolleedyada oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Shirka ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa la filayey in lagu gaaro heshiis habraac oo loo qabto doorashada Madaxweynanimo oo dhawaan la filayey in la qabto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online