Madaxweynaha Gal-Mudug oo magacaabay taliska guud ee ciidamada Daraawiishta Galmudug.

February 20, 2021 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, kuna taariikhaysan 20-2-2021 ayaa lagu magacaabay taliska guud ee ciidamada Daraawiishta Dowladda Galmudug.

Madaxweynuhu: Markuu arkay;awoodda uu siinayo dastuurka & ahhmiyada ay leedahay in la magacaabo taliska guud ee ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Markuu La-Tashaday; Madaxweyne-ku-xigeenka, tixgeliyeyna aqoonta iyo waaya-aragnimada ay u leeyihiin maamulka ciidanka, howlaha amniga iyo deegaanka.
Wuxuu u magacaabay saraakiishan;
1. G/le Sare Maxamed Nuur Cali (Gadaar), Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Galmudug
2. G/le, Cabdikariin Maxamuud Maxamed (Kheyre),Taliye kuxigeenka Ciidanka Daraawiishta Dowladda Galmudug.
Ugu danbayntii, waxaa lafarayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Galmudug in ay la shaqeeyaan taliska cusub ee la magacaabay si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Warfaafinta Madaxtooyada Galmudug
Dhuusamareeb,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online