Madaxweynaha Jamhuuriyadda S/land, oo ka tacsiyeeyey geerida Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi

February 12, 2021 - Written by Editor

Hargeysa:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda dhaqanka, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaankii Guud ee Somaliland Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi oo ku geeriyooday makhribnimadii caawa oo ay taariikhdu tahay 12/02/2021 Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Suldaan Guud oo ka baxay shacbiga Somaliland iyo qarankaba, taariikh facweyna ku dhexlahaa bulshada ku hadasha afka Soomaaliga, kana soo shaqeeyey aas-aaskii dhidibada loogu taagay Jamhuuriyadda Somaliland iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, iyo geedigii horumarka dalka oo uu ka mid ahaa waayeelkii iyo isimadii dedaalka dheer u galay dhismaha dalkeena.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online