Madaxweynaha Jubaland oo shir Gudoomiyey kulanka Golahiisa Wasiirada.[Masawiro]

February 11, 2021 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan. Ugu horayn waxaa golahu uu falanqayn iyo dood dheer ka yeeshay Xaalada Siyaasada dalka iyo mudo xileedka Dowlada Federaalka ah ee dhamaaday iyadoo la isku raacay in Jubaland ay sii wado dadaalka la xiriira sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa arimaha Doorashada.

Dhinaca kale Wasaarada Caafimaadka ayaa golaha la wadaagtay Xaalada Covid_19 ee guud ahaan dalka oo sare u kac uu ku yimid iyadoo Wasaaradu ay soo bandhigtay qorshayaal lagaga hortago in uu ku faafo deeganada Jubaland.

Gudiga kobcinta dakhliga ayaa soo soo bandhigay guulaha ilaa hada ay ka gaareen shaqada ay hayaan iyadoo isbadalo muuqda laga gaaray shaqooyinkii u danbeeyay ee ay qabteen.

Dhinaca kale golahu wuxuu meel mariyay sadex xeer oo ay soo gudbisay Wasaarada Ganacsiga kuwaas oo kala ah.
1. Xeerka maalgashiga Jubaland
2. Xeerka shatiyada Jubaland
3. Xeerka Shirkadaha Jubaland
Meel marinta Sadexdan xeer kadib waxaa loo gudbin doona golaha Baarlamaanka iyagoo ka doodi doona.

—–DHAMMAAAD—–

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online