Madaxweynaha Puntland oo furay shirweynaha 4aad ee ururka Warbaahinta Puntland.(MAP)[Masawiro/Video]

February 27, 2021 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha 4aad ee Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) .

Madaxweynaha ayaa hadal u jeediyay in ka badan 100 weriye oo ka kala yimi degmooyinka iyo Gobolada Puntland, kuwaasi oo ka qeyb galaya Shirka Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland.

“Maanta inaan halkan idiinku imaado waxay la midtahay anigoo Baarlamaanka tegay muhiimadda aad noo leedihiin, waxaan idiin rajeyn inaa si wanaagsan isu doorataan ” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee ka qeybgala Shirweynaha Warbaahinta Puntland, taasi oo ay aad u bogaadiyeen weriye yaasha Puntland ka howlgala.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

255,063 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>