Madaxweyne Ku-xigeenka PL oo daah-furay ololaha tallaalka xanuunka Sambabka xoolaha.[Masawiro]

February 16, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa daah-furay ololaha tallaalka xanuunka Sambabka xoolaha, oo laga tallaalayo Xoolaha Puntland.

Tallaalka oo ay horgelinayso Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Puntland, ayaa la gaarsiinaya 5 Milyan oo Neef Iyadoo ay ka faa’ideysan doonaan 75,000 oo qoys oo ka mid xoola dhaqatada Puntland wuxuuna socon doonaa muddo labo bilood ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyay hirgelinta tallaalka, waxaana uu kula dardaarmay in masuuliyiinta Wasaaradda iyo shaqaalaha caafimaadka ee fulinaya tallaalka ay masuuluyad gaar ah iska saaraan arrintan madaama caafimaadka xooluhu ay muhiimad gaar ah inoo wada leeyihiin.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online