Madaxweynihii hore ee DFS Xassan Sheekh oo sheegay in isaga iyo Sh.Shariif lagu weeraray Hotelka Maa’ida.[Video]

February 19, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynayaashii hore ee Somaaliya Sh.Shariif Axmed iyo Xassan Sheekh Mohamuud ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay caawa weerar ku soo qaadeen Hoteelka Maa’ida oo ay deganaayeen.

Madaxweynayaasha oo la hadlay Tv-ga Universal ayaa ku eedeeyey weerarka caawa lagu soo qaaday Hotelka ay deganaayeen uu amarka bixiyey Madaxweyne Farmaajo wixii dhibaato ah uu masuuliyadooda qaadi doono Madaxweynaha.

Dhinac kale Ra;iisul wasaarihii ee dowladda Federaalka soomaaliya Xassan Ali Khaire ayaa sidoo kale sheegay in Weerarka caawa saqdii dhexe lagu qaaday hotelka ay magaalada Muqdisho ay ka deganyihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed, iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ra’iisul wasaarihii ee dowladda Federaalka soomaaliya Xassan Ali Khaire ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarka caawa lagu soo qaaday Hotelkii ay ka deganaayeen magaalada Muqdisho isagoo sheegay in horay uu uga digay natiijada siyaasadda xukun isku dhajinta ah ka dhalan karta.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka soomaaliya Xassan Ali Khaire ayaa Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaa uu ugu baaqay inay adkeeyaan midnimadooda bulsho, ayna si wadajir ah meel uga soo wada jeestaan xukunka ku dhisan kali-talisnimada ee dhaxalkiisa aan horey usoo aragnay.

Afhayeenka midowga musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa yiri “Ciidamada Dowladda waxaa loo adeegsadey Dadkii wax kasoo dhisey, waxaa la weerarey Hotel ay degnaayeen Madaxweynayaashii hore laakiin nolasha alle ayaa baxsho qorshaha farmaajo ma aheyn in ay noolaadaan”

Hoos ka Daawo Shir jaraa’id ee afhayeenka Midowga musharaxiinta Daahir Mohamuud Gelle

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu is taagay iska horimaad ka dhacay Agagaarka Daljirka Dahsoon arrinkaas oo cabsi ku abuuray shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

A/cawaale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online