Prof.Cabdi Ismail Hoolka Shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika kula hadlay ardayda.[Masawiro]

February 28, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Waxaa caawa Hoolka shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika Faraceed Garoowe lagu qabtay hadal jeedin uu soo jeediyey Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ka mid aqoon yahanka inta badan ka hadla arrimaha Soomaaliya.

Kulankan caawa waxaa Daah furay Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Bariga Afrika ee Garoowe soo dhaweyn ka dibna waxaa hadalka qaatay Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar,oo ka hadlay ”Soomaaliya iyo Marxaladda Kala guurka ah” waxaan kulanka caawa oo aad u xiiso badnaa ka soo qayb galay Boqolaal arday ah oo ka tirsan Jaamacadda Bariga Afrika qaybteed Garoowe.

Waxaan idin la wadaagi doonaa dhawaan insha Allaahu Muqaal dhamaystiran iyo su’aalaha iyo Jawaabihii kala duwanaa ee ardaydu ay weydiiyeen Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

Dhinaca kale Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha Jaamacadda Sh.Maxamuud Xaaji Yusuf yaa galabta Jaamacadda kulan soo dhawayn ah kula qaatay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo maanta Garoowe soo gaaray, ka dib casumaad ay Jaamacadda bariga afrika u dirtay Prof Cabdi Ismail Samatar.

Xafiiska Warfaafinta
EAU Garoowe

Comments are closed.

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online