Puntland oo caawa Warsaxaafadeed ka soo saartay Aragtida Xaalada Doorashooyinka Soomaaliya.

February 24, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Dowladda Puntland, iyadoo tixgalinaysa xaaladda cakiran ee doorashooyinka Soomaaliya, waxay ugu horrayn ba caddaynaysaa in ay markasta door mug leh ka qaadanayso xal-u -helidda arrimaha lagu muransan yahay ee doorashooyinka dalka, iyadoo laga duulayo heshiiskii 17-kii September 2O2O lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Labadii sano ee ugu dam beeyay, Puntland waxay door hagar la’aan ah ka qaadatay dedaaladii lagu raad inayay in dalka ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah, oo natiijada ka soo baxda lagu wada kalsoonaan karo. Si looga miro dhaliyo dedaaladaas, Puntland waxay martigalisay shirkii wadatashiga ee DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah ee ku qabsoomay Garowe Bishii April 2O19, waxay sidoo kale qayb ka ahayd qabsoomida shirarkii is daba jooga ahaa ee Dhuusamareeb 1, 2, 4 iyo shirkii Muqdisho ka qabsoomay Bishii September.

Puntland waxay taageersan tahay hirgalinta heshiiskii doorashada ee 17-kii September iyo habraac yadiisii. Waxayna sidoo kale xeerinaysaa talo-soo-jeed intii guddiga farsamada ay ka soo saareen magaalada Baydhabo, 16-kii February, tasoo saldhig u noqankarta xal ka gaarista qodabadii la isku khilaafsanaa ee hirgalinta heshiiska doorashada.

Hoos ka akhriso Warsaxaafeedka ka soo baxay caawa ee Aragtida Dowladda Puntland ee Xaalada Doorashooyinka Soomaaliya.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online