Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS iyo Midowga Musharaxiinta oo kulmay.[Masawiro]

February 25, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale waxaa uu kulan gaar ah ay ku wada yesheen Midowga Musharaxiinta oo uu gudoomiye u yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed.

Kulanka u dhexeeyey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Midowga musharaxiinta ayaa waxaa looga hadlay arrimaha kala ah in si deg deg ah loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo ay qayb ka yihiin dhamaan saamilayda siyaasada iyo dowladdu ay garawshiyo ka bixiyo wixii ka dhacay magaalada Muqdisho 19/2/2021 oo ay cidnka dowladdu ay rasaas nool nool ku rideen banaanbax ay horkacayey Ra’iisul wsaarihii JFS Xassan Cali Kheyre iyo siyaasiyiin ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

Shirkaan saaka ka dhacay Hotel Decale ayaa waxaa ka spp qeyb galay Raisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mohamed Hussein Roble, Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya Sharif Sh.Ahmed, Hassan Sheikh Mohamud , Madaxweynaha Dowladda Galmudug Ahmed Abdi Kaarie , Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Xubno ka tisan Midowga Musharaxiinta ah.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka codsaday Midow musharaxiinta in xaalda siyaasadeed ee dalka la dejiyo khilaafka jirna laga gaaro is afgarad buuxa si doorashada dalka ay ugu qabsoonto si la isla ogol yahay.

Kulanka maanta ka dhacay Hoteelka Decale ayaa waxaan ka qayb gelin Ra’isul wasaarihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyr.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online