Ra’iisul Wasaare Roble oo ka tacsiyeeyey geerida Sh Nuur Baaruud Gurxan

February 16, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Caalimkii weynaa ee Soomaaliyeed Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Sheikh Nuur Baaruud oo ka mid ahaa culimada diinta Islaamka ee ugu magaca dheer Soomaaliya iyo geeska Afrika, waxa uu cimrigiisa oo dhan u huray fidinta iyo barista dadka ee diinta, isagoo aan waligii ka gabban caddeynta xaqa xaalad kasta oo uu ku jiro.

Sheikh Nuur waxa uu kaalin mug leh oo lama illaawaan ah ku lahaa dhismaha nabadda, dib-u heshiisiinta, xoojinta dowladnimada iyo bayaaminta afkaaraha qalloocan ee kooxaha xagjirka ah.

Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo Sheikh Nuur Baaruud, Eheladiisa, Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka ahna samir iyo iiman Allaha ka siiyo.
—DHAMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online