Sh.Mustafe Xaaji Ismail oo saaka ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe.[Video]

February 7, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Shiikh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun oo muddo 11 Cisha ah ku sugnaa qayba ka mid ah Gobollada Puntland ayaa maanta laga sagootiyay Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe.

Shiikh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun ayaa waxaa garonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe ku sii sagootoyey Xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland , Culimo,Maamulka Mu’asasada Alminhaaj iyo Qayb ka mid ah Ganaacsatada Puntland .

Sh.Mustafe Xaaji Ismail ayaa intuu uusan ka dhoofin Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe waxaa hadalo sagootin iyo dardaaran ah ka jeediyey Sh Mohamed Abdullaahi, Sh Ahmed Abdisamad , Xildhibaan Xaraf.

Sh.Mustafe Xaaji Ismail Haaruun ayaa uga mahadceliyey dowladda Puntland , Issimada , culimada . ganasatada iyo waxgaradka kale duwan sidda ay u soo dhaweeyeen 11 cisho ee uu ku sugnaa deegaanada Puntland waxaan Sheekhu xusay in uu intii uu jooga Puntland uu ku arkar maamul iyo Culimo isku duuban arrinkaas oo Sh Mustafe uu bogaadiyey.

Sh.Mustafe Xaaji Ismail ayaa kula dardaarmay dhamaan shacabka Puntland , Issimada maamulka , culimada in alle laga baqo taas oo ahmid kaliye ee lagu badbaadi karo aduun iyo Aakhiro.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online