Shirka Nabadeynta 2 beelood oo Walaalaha oo ka furmay degmada Isku shuban.[Masawiro]

February 11, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Guddigii Uu madaxweyne Said Abdullahi Deni u xilsaaray xalinta Shaqaaqadii beelaha walaaha ku dhexmartay Aaga degmada Isku shuban ayaa saaka waxaa ay ku soo dhaweeyeen degmada isku shuban Ergada mid ka mida labada beelood ee la heshiisiinayo.

Guddigaan oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda amniga & DDR-ta Dowlada Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan,maamulka Gobolka bari,& maamulka degmada isku shuban ayaa ergadaan soo dhaweeyay.

Degmada isku-Shuban ee gobolka Bari ayaa maanta waxaa si toosa uga furmay shirka Nabadeynta beelihii dhawaan shaqaaqadu ku dhexmartay aaga degmada isku shuban.

Dhamaan waxaa ku sugan degmada Isku shuban ergooyinka labada beelood ee walaalaha ee dhibku dhexmaray iyo weliba Guddigii dhawaan Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni arinkaan u xilsaaray, gaar ahaan Maamulka Gobolka bari,Wax-garadka labadii beelood & masuuliyiin kale ayaa ku sugan madasha gogosha nabadeed taalo.

Si toosa ayaa hadda u furmay shirka Nabadeynta beelaha walalaaha ee dhawaan shaqaadu ku dhexmartay aaga degmada Isku-Shuban ee gobolka Bari.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online