Taliyihii NISA ee magaalada Dhuusamareeb oo la dilay

February 7, 2021 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in qarax goordhow lagu dilay talyihii ciidamada Nabad sugida ee Dhuusamareeb, Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiikhdoon (Qooje-Yare ) iyo Askar ilaalo u ah oo la socotay xili ay marayeen deegaanka Ceeldheere oo 30-KM u jira Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Miinada haleeshay gaariga  Taliyihii Ciidanka NISA ee Dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiiq doon (Qooje) ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay 12 Askar ilaalo u aheyd.

Kooxda Al-Shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyada qaraxan, iyagoona sheegtay in ay dileen 14 ruux oo uu ka mid yahay talyihii nabad sugida ee Degmada Dhuusamareeb.

Kooxda Al-Shabaab oo dhaqan ka dhigatay daadinta dhiiga dhacabka Soomaaliyeed ayaa ayaa maalmihii la soo dhaafay weerara ku haysay Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb iyo deegnada ku xeeran.

A/CawaleHalgan.net

Comments are closed.

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online