Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga PL oo gaaray degmada Isku shuban.[Masawiro]

February 10, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga & DDR-TA Dowlada Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan ahna Gudoomiyaha Guddiga xal u helidda shaqaaqadii ka dhacday Aagga degmada Isku shuban ayaa maanta gaarey Degmada Isku shuban.

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga & DDR-TA Dowlada Puntland ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud axmed Bashiir Muuse, Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo biyaha Axmed Taaraan , Wasiiru dawlaha Wasaaradda arrimaha gudaha Kulan, iyo Wasiiru- dawlaha Wasaaradda dekkadaha Maxamed Yusuf wacays Dhedo & Guddoomiye xigeenka Labaad ee Gobolka Bari.

Wafdiga ayaa maanta kulan la qaatay bulshada degmada Isku shuban iyagoo kala hadlay xoojinta nabad-galyada deegaanka.

Maalinla berri ah waxaa si toosa u bilaabanaysa gogosha nabadeed ee lagu heshiisiinayo Beelaha walaalahaa ee shaqaaqadu dhawaan ku dhex martay Aaga degmada Isku shuban.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online