Wareysi: Wasiirka Amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey [Dhagayso]

February 24, 2021 - Written by Editor

MUQDISHO:-Dawladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay inaysan oggolaan doonin bannaanbax lagu qabto magaalada Muqdisho. Dawladda waxay sheegtay in sideedii u taagan tahay amarkii lagu joojinayey isu-imaatinka.

Hadalkan waxaa sheegay Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale oo goor dhowayd ka hadlayey shir jaraaid oo lagu qabtay Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in la joojiyey bannaanbax haddii uu yahay mid lagu taageerayo dawladda iyo mid looga soo horjeedaba labadaba. Waxa uu sheegay in bannaanbax uu yahay sharcidarro. Waxa uu sheegay inaan loo baahnayn in isku soo bax la sameeyo. Waxa uu sheegay in dawladda iyo kuwa aan dalwadda ahaynba ay adeegsadaan warbaahinta si ay warkooda u gaarsiiyaan dadka.

Maalintii Isniinta ayey Golaha Midowga Musharrixiintu sheegeen inay qabanayaan bannaanbax maalinta Jimcaha ee 26-ka Febraayo. Bannaanbaxii kan ka horreeyey ee ay ku baaqeen mucaaradka 19-kii Febraayo ayaa qalalaase hadheeyey kadib markii iska horimaad dhacay, iyo weliba rasaas.

Wareysi arrintaas ku saabsan ayaa Falastiin Axmed Iimaan ay la yeelatay Wasiir Xasan Xundubay Jimcaale.

Source:VOA

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online