Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka Caalamiga Puntland iyo dib-udhiska Wadada Jalam-Xarfo.[Masawiro]

February 24, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka Caalamiga ah ee Dawladda Puntland waxay la wadaagaysaa dadweynaha reer Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba inay Dowladda Puntland soo bilowday dedaaladda dib-udhiska Wadada Jalam-Xarfo, horraantii Sanadka 2019, ugu dambayntiina lagu guulaystay, iyadoo ay soo martay marxalado kala duwan.

Waxaa la dhamaystiray qiimayntii qaab-dhismeedka wadada ( Construction design works) kadib 4 sahan oo isdaba joog ahaa oo la qabtay, iyadoo ay hadda socoto howsha qandaraas bixintu. Haba yaraatee ma jirin gacan ay ka gaystay Wasaaradda Qorshaynta Federaalka ah ee Soomaaliya qabsoomidda shaqooyinkaas.

Sheegashadooda been abuurka ahna waa mid lala yaabo!! Waxaan uga digaynaa Wasaaradda Qorshaynta Federaalka Soomaaliya inaysan hagardaamo u gaysan dhamaystirka Howsha wadada.

Wasiirka Wasaaradda qorshaynta horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah ee dawladda Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa qoraalkan la wadaagay bulshada Puntland iyo kuwa soomaaliyeedba.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online