Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kormeer ku tegay Suuqyada Boosaaso.[Masawiro]

February 23, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ay waheliyaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Guddoomiyaha gobolka Bari, Duqa degmada Boosaaso iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxay maanta kormeer ku tageen suuqyada magaalada Boosaaso.

Ujeedka socdaalka ayaa salka ku hayay u kuur-gelidda qaabka ay u socto lacagta shilling Soomaaliga ee suuqayada magalada Boosaaso, waxayna mas’uuliyiinta booqdeen xarun loo asteeyay in shacabka magalada Boosaaso ay ka sariftaan lacagta shilling Soomaaliga ah.

Bulshada magaalada Boosaaso ayaa soo dhoweyey xarunta loogu talagalay inay ka sariftaan lacagta Shilling Soomaaliga.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame”Qawdhan” ayaa bulshada ku ammaanay sida ay u fuliyeen go’aamadii dowladda ee qaadashada shilling Soomaaliga.

Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259,220 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>