Wasiirka Amnigga Puntland oo tababar u furay cutubyo ka tirsan Ciidamadda Booliska Puntland.[Masawiro/Video]

February 17, 2021 - Written by Editor

Qardho:-Wasiirka Amnigga iyo DDR-ta Dawladda Puntland, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidamadda Booliska Puntland ayaa maanta mar kale waxaa ay tababar ugu fureen Dugsigga Tababarka ciidanka ee xerad Xorgoble ee magaalada Qardho.

Ciidamada Booliska Puntland ee maanta loo furay tababarka ayaa noqonaysa dufcadii 3aad ee lagu tababaro xerada Xorgoble,waxaan ay tiradoodu gaaraysaa 566 askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Puntland kana kala yimid Gobollada kala duwan ee Puntland gaar ahaan Sanaag, Bari, Gardafuu,Haylaan,Sooliyo Nugaal.

Ciidamada Booliska Puntland ee loo furay tababarka ayaa waxaa la hadlay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Amnigga dowladda Puntland Cabdisamad Gallan, Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Cabdi yare, Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gobolka karkaar, Cabdi-casiis Yuusuf Caamir, Taliyaha Ciidamadda Madaxtooyadda Degmadda Qardho, Cabdifataax Warsame Hiirad,Taliyaha Dugsigha Xorgoble, Burhaan Caanood, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Ciidamada Puntland.


M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online