Wasiirka Arrimaha Guddaha Puntland oo qado sharaf u sameeyey Waxgaradka beesha Cumar Maxamuud ee ku dhaqan Garoowe

February 13, 2021 - Written by Editor

Wasiirka Arrimaha Guddaha Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maanta Qado sharaf u sameeyey Masuuliyiinta, Waxgaradka, haweenka ,ganacsatada iyo dhalinyarada Beesha Cumar Maxamuud ee ku dhaqan caasimadda Puntland ee Garoowe.

Kulankaan ayaa daaranaa Baraarujin iyo is xog waraysi ku qotoma xaalada guud ee Puntland iyo gaar ahaan degaanadda beeshu dagto.

Waxaana kulanka kasoo qayb galay Wasiirka Haweenka iyo horumarinta arrimaha qoyska Marwo Aamina Cismaan Xaaji, xildhibaano katirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, agaasimayal, lataliyaal sare, Gudoomiye kuxigeenka gobolka Nugaal, Gudoomiyaha Dagmada Burtinle, nabadoono , sarakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Ugu dambayntii kulanka oo diiradda lagu saaray isku xirnaanta iyo iska warqabka beesha, wada shaqaynta dawladda iyo dad waynaha ayaa ku soo dhammaaday Guul.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online