Ciidamada Puntland oo howl gal ciidan ku qabtay Maxaabiis ka baxsaday Xabsiga Boosaaso

March 5, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Wararka naga soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in saaka ilaa galabta uu dagaal ku dhexmaray Togga Gaaca Ciidamo ka tirsan Puntland iyo kooxdii Al-shabaab ee xalay soo weerartay Xabsiga weyn ee Boosaaso.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ee hogaaminaya howl galka socda ayaa u sheegay Warbaahinta in ay qabteen qaar ka mid ah kooxdii Al-shabaab ee xalay soo weerartay Xabsiga weyn ee Boosaaso ayna mar dhow la wadaagi doonta xogta dhabta ah walow weli howlgalku yahay gabagabo.

Warar kale duwan ayaa ka soo baxay maxaabiista ay qabteen Ciidamada PSF,PMPF iyo kuwa Daraawiishta mana jirto weli tiro rasmi ah oo ay saraakisha ciidamadu la wadaageen saxaafadda ilaa hadda balse warar hoose oo aan helnay ayaa sheegay in Ciidanka Amniga Puntland ayaa soo gabagabeeyay howlgal ay ku baacsanayeen Kooxdii soo weerartay Xabsiga Boosaaso, Ciidanku waxay dib u soo qabteen Maxaabiis Al-shabaab iyo Daacish ahaa oo Xabsiga ka baxsaday oo ka badan ilaa 25 iyagoona dilay 20 kale.

Warar kale oo aan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyey in ciidamo kale duwan oo ka tirsan kuwa Puntland ay ka yimaadeen magaalada Qardho iyo Garoowe isla saakana ay qayb ka noqdeen howl galka ay ciidamadu ka wadaan Buuraha ku xeeran Boosaaso.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online