DFS oo sheegtay in ay Heshiis la gashay Wasiir C/Rashiid Janan (Dhageyso)

March 24, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiir ku xigeenka warfaafinta DFS C/raxmaan Yusuf Cumar Al Cadaala ayaa sheegay in DFS heshiis la gaartay wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur Janan, ka dib markii maanta wefdiga ka socda DFS oo gaaray gobolka Gedo ay soo dhaweeyeen.

Wasiir ku xigeenka ayaa yiri “Wasiir Cabdirashiid Janan oo muhiim u ah nabadda gobolka Gedo ayaa heshiis la gaaray dowladda Soomaaliya… wuxuu ku yimid garasho uu wasiirku gartay in uu u hiiliyo qarannimada iyo dadaal ay bixisay dowladdu.”

Wasiir ku xigeenka warfaafinta DFS , C/raxmaan Yusuf Cumar waxaa uu intaas ku daray in wasiir Janan ay kula kulmeen duleedka degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo isagoo wata ciidan badan kuwaas oo lagu biirin doono ciidanka DFS.

Dhanka kale Wasiirkii hore ee Amniga jubaland ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda BBC-da yiri””Waligeed Jubbaland loo dhan yahay ma aysan dhicin balse hadda ayaan ka shaqeynaynaa dhisiddeeda.”

Hoos ka dhageyso Wareysiga Wasiirkii hore ee Amniga ee Jubaland Cabdirashiid Janan.

Halgan.net

Comments are closed.

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online