Dufcadii 2aad ee Ciidamada Daraawiishta oo tababar loogu soo xiray Xerada General Giriin ee degmada Badhan.[Video/Masawiro]

March 18, 2021 - Written by Editor

Badhan:-Guddiga dib u habaynta Ciidamada Puntland ayaa manta Magalada Badhan Tababar ugu soo xiray Dufcadii 2aad ee Ciidamada Daraawiishta oo ka baxay Dugsiga General Giriin ee degmada Badhan.

Guddiga ayaa waxaa hogaaminaay Gudoomiyaha Gudiga Dib u habeynta Ciidamada ahna Wasiirka Wasararadda Maalyadda Mudane Xasan Shire Cabdi oo ay waheliyaan Wasiirka Wasaradda Amniga Mudane Cabdisamad Maxamed Galan, Taliyaha Ciidamadda Daraawishta Gen Yaasmiin Cumar Dheer, xobno ka tirsan Golaha baarlamaanka, Maamulka Gobolka Sagan kan Dagmada iyo sarakiil kale.

Masuulinta ay salan sharaf ka qaday cutubyo ka tirsan Ciidamadda manta tababarka loo soo xiray salan ka dib ciidamada ay halka ku soo bandhigay casharadii la baray.

Maamulka dugsiga ayaa ka warbixyay marxaladii kale duwan ee ay soo mareen Ciidamadda .
Gudooyimaha Gudiga dib u habeeynta Ciimada ahan Wasiirka Wasarada Maaliayadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo ka hadlay Munasabadii xiritaanka Tababarka ayaa Maamulka dugsiga ku amaanay qaabka wanagsan ee ciidamadd ay u carbiyayen.

Dhic kale Wasiirka Xasan ayaa sheegay in ciidamadda mushaharkooda la garsiiyay heerkii uga saaray

Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Cabdi samed Maxamed Galan iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gen Yaasmiin Cumar dheer ayaa Saraakiisha iyo macalimiinta ku bogaadiyay shaqada ay qabteen. Ciidamaddan ayaa loo bixiyay (GUUTADA LIBIN SIDE).

Baahintii
Taliska Ciidamada Difaaca Puntland

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online