Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Dowladda Puntland oo tegay Muqdisho.[Masawiro]

March 13, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gelinka danbe maanta la filayaa in uu gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, si uu uga qayb galo shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo maalmaha soo socda ka furmaya Muqdisho.

Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo gelinka danbe maanta la filayo in uu gaaro magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu degi doonaa xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo looga diyaariyay hoy.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa amnigiisa sugaya Ciidamada AMISOM iyo ciidan ka mid ah kuwa gaarka ah u tababaran ee dowladda Puntland.

Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo ahaa halkii ay ka dhacday doorashadii 8 February ee lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in shirku ka dhaco meel ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, amnigeedana ay sugaan AMISOM waxay ka mid ahayd shuruudihii Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qayb galkooda shirka.

M_M_Deeq
Sawir qaade Bulshaawi
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online