Isbaheysi siyaasadeed oo cusub oo Muqdisho looga dhawaaqay.[Video]

March 18, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaa Magaaladda Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa goor dhaweyd looga dhawaaqay Isbaheysi Siyaasadeed oo cusub,ayna ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland, Midowga Musharraxiinta iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland.

Isbahaysigan cusub ayaa waxaa loogu magacdaray MADASHA BADBAADO QARAN waxaan gudoomiye loo doortay guddoomiyihii Aqalka Sare Cabdi Xaashi , sababta Isnbahaysigaan siaasadeed loo sameyey ayaa waxa lagu sheegay, qabsoomida doorasho xalaal ah iyo in ay ka hortagaan in dalku galo faraaqa ama fashil siyaasadeed.

Kulanka oo ka dhacay Hotel ku yaal garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadal ka jeediyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ee Kulanka Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Dowladdaha Puntland iyo Jubaland, Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Golaha Siyaasiyiinta ee Somaliland.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay marxaladda dalku marayo, isagoo xusay in muhim ay tahay in laga wada qeyb qaato badbaadinta qaranka Iyadoo ay Madashu tahay mid u furan cidkastoo door ka qaadanaysa badbaadinta qaranka iyo sidii dalkan dhakhso uga dhici lahayd doorasho lagu wada qanacsanyahay.

Dhinac kale Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka qeyb galay shirka madasha Badbaadada Qaranka oo ka dhacay Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howshan loo arkay inay xal ka noqon karto Xaalada cakiran ee Doorashada dalka, taas oo ilaa hada ay muuqato in aan lahaynin wado sax ah oo dalka lagu jihayn karo.

Wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in loo baahan yahay in si rasmi ah loogu diyaar garoobo sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha taagan iyadoo la eegayo danta Qaranka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in madashan ay noqonayso mid jiho u bixisa dalka isla markana Xaalada halista ah ee uu ku jiro ka saarta.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online