Jubbaland oo soo dhaweysay wada hadalka DFS iyo Musharixiinta kuna baaqaday in shir wadatashiga Qaran lagu qabto goob amni ah

March 2, 2021 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaan Axmed Madoobe ayaa goor dhow qoraal kooban oo uu ku qoray bartiisa Twitterka wuxuu ku sheegay mowqifka jubbaland ee wada hadalada u dhexeeya Midowga musharaxiinta iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaan Axmed Madoobe ayaa xusay in ay dhiri gelinayaan lana tabantaabiyo wada hadalka u dhexeeya Midowga musharaxiinta iyo Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iisul wasare Rooble.

Dhinac kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaan Axmed Madoobe ayaa shegay in Jubaland ay diyaar u tahay in ay qayb ka ahaato Shirka wadatshiga Qaranka ee la doonayo in uu dhexmaro Xukuumada federaalka Soomaaliya , iyo Madaxda dowladda Gobolleedyada iyagoona k xiray shirka in uu ka dhaco goob amni ah oo lagu kalsoon yahay gundhigiisuna u yahay heshiiskii 17 September2020.

Qoraalka ka soo baxay maamulka Jubaland ayaa imaanay xili xalay uu Madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay shir dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamul gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.

A/cawaale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online