Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay Aas-Qaran oo loo sameeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.[Video/Masawiro]

March 12, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo Aas-Qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

Diyaaraddii sidday Maydka Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa markii ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa naxashka marxuumka oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.

Aaskan Qaran ee loo sameeyay Marxuum Cali Mahdi Maxamed waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Madaxweyneyaashii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Mudaneyaal ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Culimada Soomaaliyeed, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online