Madaxweynaha Jubaland oo gudoomiyey shir looga hadlayo xaalada Abaaraha ee Jubaland

March 9, 2021 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hab maqal iyo muuqaal ah ku gudoomiyay shirkan oo diirada lagu saarayo Xaalada abaaraha ee ka jira deegaano badan oo katirsan Jubaland taas oo saamaysay nolosha dadka iyo xoolaha nool.

Shirka Waxaa Madaxweynaha kala qeyb galay gudi gaar ah oo loo Magacaabay gurmadka abaaraha iyo sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan oo ay hogaaminayso Wasaarada arimaha gudaha.

Sidoo kale waxaa hab maqal iyo muuqaal ah kaga qeyb galay masuuliyiin katirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay deeq bixiyayaasha Caalamiga ah iyo ururada gargaarka ee ka howlgala gudaha dalka iyagoo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dadaalka Dowlada Jubaland ay ugu jirto sidii loogu gurman lahaa dadka abaaraha ay saameeyeen oo ku nool deegaano kala duwan oo katirsan sadexda gobol ee Jubaland ay ka kooban tahay.

DHAMMAAAD.

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online