Madaxweynaha Jubaland oo ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaan Cabdi Xassan Xiish

March 18, 2021 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed , geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo isagoo maalmahii lasoo dhaafay uu soo ritay xanuunka #Covid19.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Cabdi Xasan Xiish uu kaalin muhiim ah ku lahaa Dowladnimada Jubaland isagoo ka soo shaqeeyay heerar kala duwan sidoo kalana mar walba u taagnaa Midnimada Bulshada.

“Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish wuxuu ahaa shaqsi Alle ka cabsi leh oo mar walba u taagnaa sidii loo xoojin nidaamkeena Dowladnimo isagoo labo mar oo hada ay u danbaysay ahaa Xildhibaan intii uu shaqadan hayayna ku suntanaa xilkasnimo” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Jubaland ee uu ka baxay.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online