Madaxweynaha maamulka Hirshabeele oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed

March 10, 2021 - Written by Editor

Jowhar:-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Allaha u Naxariistee Madaxwrynihii Hore Dalka Marxuum Xaaji Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyskii Qaraabadii Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Marxuum Xaaji Cali Mahdi Maxamed Madaxweynihii 4aad ee Dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuumku door weyn oo muuqda uu ka soo qaatay Nabadeynta, Dib u Heshiisiinta iyo Dowlad dhiskii Soomaaliya, Horumarka hadda la heystana uu qeyb ka ahaa.

Ugu dambeyn Madxaweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay Marxuum Cali Mahdi inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Ehelada, Asxaabta iyo Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan Eebbe ka siiyo. AAMIIN AAMIIN AAMIIN
-DHAMAAD-

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online