Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey Geerida Malaaq Xassan Cumar Xassan

March 18, 2021 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, geerida ku timid, Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Cumar Xasan oo ku geeriyoodey magaalada Baydhabo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay doorkii uu ku lahaa Marxuumku dhismaha dowladnimada, xasilloonida dalka, dib u heshiisiinta bulshada iyo dhammaan dadaalladii geeddi socodka nabadda ee xal u raadinta dhibaatooyinka dalkeenna ka dhacay.“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Cumar Xasan Ibraahim oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka bulshada Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday magaalada Baydhabo. Malaaqu waxa uu ka mid ahaa tiirarka nabadda iyo dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed. Marxuumku waxa uu qayb ka ahaa dadaalladii dowlad dhiska iyo nabadaynta Dalkeenna. ”Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. DHAMMAAD Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;Cabdirashiid Maxamed Xaashi,Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online