Madaxweyne Farmaajo shir la qaatay Bahda Caafimaadka,Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bulshada Rayidka.[Masawiro]

March 3, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Bulshada Rayidka ayaa ka dhageysta warbixin ku saabsan saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee soo laba kaclaynta cudurkan safmarka ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Madaxweynaha u soo bandhigtay warbixin dhammeystiran oo muujinaysa kororka tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu soo ritay cudurkan iyo tirada welwelka leh ee dhimashada, waxa ayna adkeysay in bulshada ay taxadir buuxa iyo garowshiyo u yeeshaan halista cudurkan oo soo laba kacleeyey.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka Xukuumaddu ay ku xaqiijineyso ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka, waxa uuna xusay in la qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo dadka iyo dalka lagaga xakameynayo Cudurka.

“Bulshada ayaa laf dhabar u ah dadaalka dowladdu ay kaga hortageyso faafidda cudurkan, sidaas darteed waxa waajib ah in aan u istaagno wacyigelinta bulshada, una hoggaansanno farriimaha caafimaad iyo qorsheyaasha lagaga hortageyo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiirrigeliyey qorsheyaasha Caafimaad, dhaqaale iyo amni ee ay soo bandhigeen Guddiga Qaran ee Xakameynta COVID-19, waxa uuna ganacsatada Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay dadkooda u turaan wakhtigan adag.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online