Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geeirda Madaxweyne Cali Mahdi.[Video]

March 10, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun.Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya.

Waa geeri xanuun badan oo si weyn ay u wada dareemeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey.

Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Alle waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

—-DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online