Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka oo magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

March 10, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo galabta ku geeriyooday dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban Xukuumadda , Xildhibaanno, qeybaha bulshada iyo qoyska marxuumka, waxayna kala yihiin;

1. Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye
2. Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen
3. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin
4. Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin
5. Xasan Xuseen Xaaji, Xubin
6. Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin
7. Durraan Axmed Faarax, Xubin
8. Cumar Cali Rooble, Xubin
9. Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin
10. Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin
11. Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddigan in ay si degdeg ah u guda galaan aaska Madaxweynihii hore Cali Mahdi.

—DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online