Ra’iisul wasaare JFS iyo Musharaxiinta oo shir uga furmay Hotelka Decale.[Masawiro]

March 4, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaa caawa ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya shir u dhexeeya Midowga musharaxiinta iyo Ra’iisul wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka caawa waxaa uu u dhexeeya Midowga Musharaxiinta iyo Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyadoo kulankaan uu noqonayo kulankii 3aad waxaan looga hadli doonaa arrimo qabyo ah oo dib loo dhigay kulamadii hore ee dhex maray labada dhinac.

Shirka caawa ayaa waxaa ka ka qeyb galaya Madaxweynaha Hirshabelle, guddoomiyaha gobolka Banaadir , Midowga Musharaxiinta iyo Ra’iisul wasaare Rooble iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Shirka caawa u dhexeeya Midowga Musharaxiinta iyo Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Rooble ayaa ku soo beegmay xili maanta uu baaqday shirkii wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka ee uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo oo ay ka soo qayb geli lahaayeen Maamul Gobolleedyada dalka ka jira.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online