DFS oo Shaacisay in uu Fashilmey Shirkii u dhaxeeyey DFS iyo Dowlad Goboleedyada

April 7, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Shirkii u socday madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleeddyada ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta DFS Cismaan Dubbe.

Sidoo kale waxaa lagu daabacay War-saxaafadeed telefiishanka qaranka Soomaaliya waxaana DFS ay eedda guuldarrada shirarka dusha u saartay madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta DFS ayaa yiri “waxaan umada Soomaaliyeed u sheegeynaa in Maamulada Puntlan iyo Jubaland ay diideen Dalkaan in ay ka dhacdo Doorasho ayna yihiin Jid iyo Jiho diid”

Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale sheegay in labada madaxweyne ee maamul goboledyadaasi ay diideen in dooarshada lagu saleeyo heshiiskii September 17-keedii.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaan weli ka jawaabin eedeynta ay u soo jeedisay DFS

Shirar hordhac ah ayaa Sabtidii ka bilowday ee Muqdisho ayaa dadka ka war haya xaalada Soomaaliya waxay horey u saadaaliyeen in shirka uu ku dhamaan doono fashil marka la eegay halka ay kala joogaan Madaxweynaha DFS Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland .

M_M Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online