Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ku baaqday in dib loogu laabto heshiiskii 17kii Sebteembar

April 27, 2021 - Written by Editor

Baydhabo:-Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya isaga oo ka duulaya dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalka iyo ismari waaga arrimaha doorashooyinka wuxuu ku talinayaa qodobadan soo socda;

1. In dib loogu noqdo wadaxaajoodka doorashooyinka si waafaqsan heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo talo-soojeedintii kasoo baxday wadatashigii Guddigii Farsamada ay ku yeeshaan magaalada Baydhabo 16kii Febraayo 2021..
2-In laga fogaado wax walba oo dhaawici kara midnimada, wadajirka iyo nabadgalyada dalka, lagana fogaado siyaasadeynta iyo kala qeybinta Ciidamada Qalabka Sida.
3. In Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka Ah ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan xasilloonida iyo geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

4. Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu uga mahadcelinayaa Beesha Caalamka iyo saaxibada kale ee Soomaaliya taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

——DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online