Guddiga dib u habaynta Ciidamada Dowladda Puntland oo booqday xerada Ciidamada Daraawiishta ee Gaalkacyo.[Video/Masawiro]

April 7, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Guddiga dib u habaynta Ciidamada Dowladda Puntland ayaa boqday Taliska Ciidamada Daraawiishta xerada Siinaay ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasiirka Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Guddiga Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Wasaradda Amniga Mudane Cabdisamad Maxamed Galan, Taliyaha Guud ee Ciidamada Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa la kulmay Saraakiisha iyo Ciidamada Daraawiishta.

Saraakiisha Ciidamada ayaa Guddiga xog- dheeraad ah ka siiyay Ciidamada daraawiishta, baahiyaha ay qabaan iyo sida ay diyaar ugu yihiin in ay difaacaan dalkooda.

Xerada Siinaay ayaa ah mid ay ilgaar ah ku hayso Dowladda Puntland, waana keydka madaafiicda hubka waawayn ee Dowladda Puntland.

Dowladda Puntland ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Dr Saciid Cabdullaahi Deni waxaa ka go’an dhisida Ciidamo tayo leh iyo horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online