Guddiga xalinta dhibaatadda Suuqa lacagaha ee Puntland oo ka warbixiyey go’aano ay soo saareen.[Video/Masawiro]

April 5, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Guddiga xalinta dhibaatadda suuqa lacagaha ee degaanadda dowladda Puntland ayaa maanta ka warbixiyay halka uu marayo xaaladaha lacagta Shilin Soomaaliga iyo go’aamo hor leh oo ay soo saareen.

Guddiga ayaa go’aankooda uu daba socdaa 13 qodob oo ay horey usoo saareen , kuwaas oo looga hadlay sidii loo soo celin lahaa Isticmaalka Shilin Soomaaliga iyo xasilinta lacagta.

Kulamada go’aanada lagu gaaray waxa qayb ka ahaa Wasaaradda Maaliyadda Puntland , Bangiga Dowladda iyo shirkadaha bixiya adeegyadda lacagaha danabeysan.

Mudane Faarax Cali Shire oo ka mida xubnaha Guddiga ayaa sharaxay ahmiyada kulanka, wuxuu sheegay in qodobada lasoo saaray loo baahan yahay in lagu dhaqmo. Wuxuu kaloo ugu baaqay ganacsatada iney u naxaan shacabka Bisha Ramadaan.

Senator Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ahna Guddoomiyaha Guddiga xalinta dhibaatada suuqa lacagaha ee Puntland ayaa sheegay in go’amadan loo arkay mid muhiim u ah bulshada isla markaasna lagu ilaalinayo isticmaalka lacagta Shilin Soomaaliga.

Baahintii
Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online