Guddiga xalinta dhibaatadda suuqa lacagaha oo go’aan soo saaray

April 4, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Guddiga xalinta dhibaatadda suuqa lacagaha ee degaanadda dowladda Puntland ayaa soo saaray saddex qodob oo ay ku taliyeen in si degdeg ah loo fuliyo.

Kulan dhexmaray guddiga,bangiyada iyo shirkadaha ayaa saddexda qodob ay soo saareen waxaa kamid ah:-

01. In muddo xadidan la hakiyo adeegsiga lacagta doolar-ka danabeysan ee ka hooseysa US 1.00, badelkeedana in shirkadaha Isgaarsiinta iyo Bangiyadu ay danabeeyaan shilin Soomaali u dhigma jajabka US 0.99 iyo wixii ka hooseya , cidii uga baahata , sidaasna lagu helo lacag danabeysan( Mobile Money Transfer) oo labadaba ah.

02. Waxaa la isla gartay in shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howlgala magaalooyinka Puntland ee deriska la ah meelaha ay shirkadaha kale ee uu tartanku ka dhaxeyo ay US-ka danbeysan sidoo hore u wataan.

03. Shirkadaha waxa laga doonaya in nidaamkan ay ku hirgeliyaan muddo 5 cisho gudahood ah oo ka bilaabanta 03.4.2021. Shirkaduhu waa Golis Group(GOLIS), Dahabshiil Group(SOMTEL), AMAL Group(AMTEL), Daryeel Bank iyo SOM Bank. Waxaa jiraya guddi si gaar ah ula soconaya hirgelinta barnaamijkan muhiimka ah.

Guddigan ayaa horay usoo saaray go’aano ka kooban 13 qodob kuwaasoo ku saabsanaa qaabka loo xalin karo mushkilada xalinta dhibaatadda suuqa lacagaha.

Guddiga waxa madax u ah Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Faroole.

Guddigan oo uu horay u magacaabay Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa yimid kaddib markii dhibaatooyin ay kasoo kordheen Isticmaalka shilin Soomaaliga.

Baahintii
Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online