Gudoomiyaha gobalka Mudug oo sheegay in la qabtay rag dil ka geystay Gaalkacyo

April 1, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, oo caawa Shir jaraa’id goor-dhaweyd ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in Laamaha ammaanka Puntland ay gacanta ku dhigeen kooxdii ka dambeysay dilkii xalay magaalada Gaalkacyo loogu geystay, Allaha u naxariistee Cumar Maxamed Samatar oo ahaa sarkaal katirsan laanta dambi baarista Puntland ee C.I.D. “Argagixisada Al-Shabaab waxaan lee nahay Gaalkacyo iyo Mudug waa idinkaga dhamaatay, ma aha waagii intaad qof dishaan, la oran jiray wax dilay lama yaqaan, dad aad ka dhuuman kartaan ma nihin hadda,waan idiin jeednaa, wixii aad ku hayn jirteen 10 sano ee la soo dhaafay albaabkoodii waa soo xirnay waan inaadin ka samirtaan baa la rabaa waa wiiqnay awoodiinii marka Gaalkacyo waa idinkaga dhamaatay “ayuu yiri Guddoomiye Sanyare.

Hoos ka Daawo Shirka jaraa’id ee Gudoomiyaha gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare

M_M Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online