Jeneraal Odowaa oo xog ka bixiyey weeraradii Bariire iyo Awdheegle [Dhagayso]

April 4, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin ka bixiyey weerarkii shalay ay maleeshiyaadka Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhigyada ciidamada dawladda ee Awdheegle iyo Bariire.

Weerarradan ayaa la sheegay inay isugu jireen qaraxyo iyo weerar ay gaysteen maleeshiyaadka. Waxaaa sidoo kale qeyb ka ahaa weerarro loo adeegsaday hoobiyayaal oo ay Shabaab ku qaadeen Jannaale iyo deegaannada Sabiid iyo Caanoole intii ay socdeen weerarrada Bariire iyo Awdheegle.

Taliye Odowaa ayaa sheegay inay ciidamadu guulo ka gaareen dagaalkaasi, islamarkaana ay ku dileen maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Haaruun Macruuf ayaa kula xiriiray Khadka telefoonka, waxaana uu weydiiyey sida ay wax u dhaceen.

VOA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

251,103 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>